PUNSAA oo war ka soo saartay Khilaafka Madaxweyne Deni iyo Ku xigeenkiisa Karaash

Dalladda Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa faahfaahin ka bixisay kulamo ay la qaateen Madaxweyen Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, si loo xalliyo Khilaafka labada mas’uul.

PUNSAA ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka labaduba ay u xaqiijiyeen, in ay ka go’antahay Xallinta Khilaafka Maamul ee dhexdooda ka aloosan.

PUNSAA ayaa soo saartay baaq ka kooban saddex Qodob oo ku wajahan Shacabka Puntland, si looga fogaado buun-buuninta Khilaafka Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, loona ilaaliyo Midnimada iyo Wadajirka Puntland.

PUNSAA, waxay sheegtay in isfaham-waaga Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku, uu yahay mid Maamul, balse uusan ahayn mid Shakhsi iyo mid khuseeya Hormarka iyo wada-shaqaynta Puntland.

Dalladda ayaa sidoo kale Shacabka Puntland ugu baaqday, in la joojiyo buun-buuninta iyo hadallada Xanafta leh oo khatarta gelin kara Dowladnimada iyo Wadajirka Dadweynaha Puntland.

PUNTLAND POST