In ka badan 10 ruux oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Muqdisho

Faahfaahin dheeriya  ayaa kasoo baxaysa shil ka dhashay gaari nooca xamuulka ah xalay mootooyin  badan ku jiiray kaalin shidaal oo ku taalla Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in gaariga uu marka hore ku socday xawaare uuna ka xakameeyn waayay Darawalkii waday, sidaasin auu ku jiiray mootooyinka.

In ka badan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen goobta halka dad kalena dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen waxa sidoo kale ka dhashay burbur hantiyeed.

PUNTLAND POST