Ciidamo Itoobiyaan ah oo qarax lagu eegtay Qansaxdheere

Ciidamo Itoobiyaan oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM  ayaa qarax lagu eegtay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Qaraxa oo sida la sheegay ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday daadiid ay wateen ciidamada Itoobiya gudaha degmada Qansaxdheere, waxaana wararka qaar sheegayaan in qaraxaas ka dhacay khasaare.

Dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qarax xoog leh ay maqleen, kadibna ay xigtay rasaas ay rideen ciidamada Itoobiya, balse lama oga ilaa iyo hadda inta uu le’eg yahay khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna qoraal ay ku daabaceen baraha Internet-ka ku sheegeen inay gubeen mid kamid ah gaadiidka ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa fariisin ku leh degmada Qansaxdheere iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool, waxayna mararka qaar la kulmaan weeraro uga yimaada Al-shabaab.

PUNTLAND POST