Galmudug oo qaramaysay malayshiyaad dhowaan dagaal ka riday Koonfurta Gaalkacyo

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shalay lagu wareejiya dhammaan gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyo beeleed maalmo ka hor weerartay xarunta Ciidanka DANAB ee koonfurta Gaalkacyo.

In ka badan 60 malayshiyo iyo 5 gaadiidka dagaalka ah oo ay wateen ayaa isla xalay wasiir Fiqi geeyay magaalada Dhuusamareeb kadib markii uu ka kexeeyay tuulada Saax Qurun ee gobolka Mudug.

Wasiir Fiqi ayaa sheegtay in malayshiyaadka iyo hubkooda la qarameyn doono si ay uga mid noqdaan ciidamada Daraawiishta Galmudug islamarkaana wixii haatan ka dambeeya ay ciidan dowlo noqon doonaan.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay taliska saraakiisha iyo ciidamada dowladda federaalka ee DANAB oo qayb ka ah sugidda Amniga Galmudug.

PUNTLAND POST