Dil Xalay ka dhacay magaalada Hargeysa

Marxuumka xalay lagu dilay Hargeysa

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi ay xalay dil ka gaysteen kooxo Burcad ah oo abaabulan sida laga soo xigtay Booliiska Somaliland.

Kooxaha Burcadka ah oo mindiyo ku hubaysnaa ayaa xaafad ka tirsan Hargeysa waxay ku dileen nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Farxaan Jaamac sida ay ku warrantay warbaahinta Somaliland oo xiganaysa saraakiil Booliis ah.

Marxuumka ayaa kooxdaasi ku dileen mindi kadib markii sida la sheegay uu isku adkeeyay mobile ay doonayeen in ay ka furtaan waxaana markiiba halkaasi ku geeriyooday marxuumka.

Kooxdii Burcadka ahaa ee dilka gaystay ayaan weli gacanta lagu dhigin waxaana haatan socda hawlgal ay Booliiska ku baadi-goobayaan kooxdaasi.

PUNTLAND POST