Dagaal dhex maray Ciidamo kala taabacsan Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal saaka dhexmaray ciidamo kala taabacsan guddoomiyaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha degaanka Garasbaalley kaasi oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Dagaalka oo ka dhacay bar-kantarool oo ku yaalla duleedka degmada Dayniile ayaa la sheegay in uu salka ku hayay dhul ay labada degaan isku hayaan oo lagu magacaabo Jabad-geelle.

Ugu yaraan saddex askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen dagaalkaas halka afar kalena ay ku dhaawacmeen sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Dagaalka ayaa la soo weriyay in uu markii dambe si iskiis ah u istaagay kadib saacado uu halkaasi ka socday balse xiisaddii labada dhinac ayaa weli aloosan

PUNTLAND POST