Madaxweyne Deni oo Villa Somalia ku eedeeyay in ay colaad ka hurinayso Somaliland

Madaxweynaha  Puntland, Siciid Cabdullahi Deni oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gudaha Somaliland ka waddo qalalaase sababi kara dagaal halkaasi ka dhaca.

Madaxweyne Deni oo wax laga weydiiyay Wada-hadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ay Somaliland  cadaadis ku saareysa qorshayaal ay rabto in ay wax kaga baddelato kuwaas oo aan u wanaagsanayn xasiloonida dalka Soomaaliya.

Waxaan maqleynaa iney xukuumadda waxyaabo badan si hoose u waddo, oo ah waxyaabo weliba sababi kara iney dagaallo dhacaan” ayuu yiri Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay maamulka Somaliland u gacan dhaaftay qaar kamid ah qabiilada halkaasi dega islamarkaana ay si hoose wada-hadallo ula waddo.

Mudane Deni wuxuu sheegay in Puntland ay soo dhaweynayso in heshiis laga gaaro qaddiyadda Somaliland balse waxa uu dowladda federaalka  ku eedeeyay in ay wadato qorshe aan la isku raacsanayn oo ay rabto inay Somaliland wax kaga bedelato kuwaas oo aan la isku afgaranin una wanaagsanayn wada noolashaha.

PUNTLAND POST