Madaxweynaha Austria, Alexander Van der Bellen, ayaa raali-gelin siiyay shacabka dalkiisa kadib markii uu jebiyay xeer bandow la xiriira oo dalkaasi lagu soo rogay Fayraska Korona awgii.
Hogaamiyaha ayaa ku daahay maqaayad ku taal caasimadda Vienna, isagoo kusii sugnaa ka gadaal saacadda uu billaabmayo bandowga dalkaasi saaran.
Mr Van der Bellen oo 76 jir ah ayaa sheegay inuu arkay waqtigii oo la dhaafay xilli uu saaxiibbadii kula sheekaysanayay maqaayad ay leeyihiin dad Talyaani ah oo ku taal bartamaha caasimadda.
Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in booliska ay madaxweynaha ku arkeen maqaayadaasi saqdii dhexe ee Axadii hore.
Sharci cusub oo ay soo saartay dowladda Austria ayaa dhigaya iyo maqaayadaha iyo baararka la xiro 11-ka fiidnimo.
Maqaayaddaasi ayaa laga yaabaa in loo ganaaxo sharciga ay jebisay, balse madaxweynaha ayaa sheegay in uu qaadanayo mas’uuliyadda waa haddii milkiilaha goobtaasi ay khasaaro kasoo gaarto dhacdadaasi.
PUNTLAND POST