Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay qarax gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Qarax oo la sheegay in uu ka dhacay goob ay ka socotay ciyaar Hiddaha iyo Dhaqanka ah oo ku taalla waqooyiga magaalada Baydhabo ayaa inta la xaqiijiyay waxa ku dhintay saddex ruux oo laba carruur yihiin halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 20 qof oo kale.
Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in qaraxaasi ahaa miino dhulka la sii geliyay kadibna Rimood loo taabtay inkastoo laamaha Amniga magaalada Baydhabo aysan weli kala caddayn nooca qaraxaas.
Ma jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi dadka shacabka ah waxyeelladu ka soo gaartay balse malayshiyaadka Al-sahbaab ayaa inta badan qaraxyo noocaas oo kale ah fuliya.
PUNTLAND POST