Khilaafka Deni iyo Karaash!!

By: Axmed Shire

Sida muuqata madaxweyne Deni, maahan hogaamiye isku waddi kara madax kala aragti duwan, kala damac duwan, malahan siyaaso dad isku wad,, waxa muuqata Khilaafka VP Karaash, kadib isku shaandheynta sharciga baalmarsan, horey waxay iskugu dhaceen Gudoomiye Dhoobo,, aakhirkiina Xabad iyo Laluush ayuu ku riday Gud. Dhoobo.

Isku shaandheynta lagu beegsanayey Saaxibadda VP Karaash, waxay baal marsantahay sharciga,, Prezo Deni Ictiraafka uu haysto waxa siinaya Dastuurka Puntland,,, waa innuu ku dhaqmo dastuurka,, tixgeliyana xaqa uu leeyahay VP karaash ee ah latashiga marka lamagacaabayo wasiiradda.

Puntland waxay wajaheysaa khatartii ugu weynayd, ee ‘Legitimacy-ga’ dowladnimadda, waxaa horey u dhici jirey ismaandhaafka madaxda, balse waa laga gudbi jirey, madaxda markaas joogta ayaa si’uun xal u raadin jirtey. Dowladda hadda jirta muddo 18 bilood ah waxay wajihin khilaafki labaad.

Sida hadda muuqata Khilaafka waxaa hurinaya madaxweyne Deni, kadib markuu si kelinimo ah uu isku shaandheyn u sameeyey,, bartilmaameedna ka dhigtey saaxibbada VP Karaash. Khilaafka oo sii xoogsadda waxay burburineysaa quruxdii iyo dowladnimaddii Puntland,, waxa immaan karta kala tag ku yimaadda 5tii gobol ee Puntland wadda dhistey (Waxaaba horey ugaaray dhaawac xoogan).

Xiliga adag ee lagu jiro madaxweyne Deni siyaasadihiisa ‘Khilaafka iyo Wax Iska Dhicinta ku saleysan’ waxay burbur u horseedi kartaa Puntland,, suurto gal maahan in Madaxweynuhu ku guuleysto labo khilaaf,, labaddaas oo kala ah

1. Khilaaf dibedda ah, sida khilaafka Farmaajo ee Dowladda Federaalka

2. Khilaaf Gudaha ah,, sida Khilaafka madaxweyne Deni iyo VP Karaash.

Labaddaas Khilaaf suurto gal maahan in madax Deni guul ka gaaro,, waxay keenin dhawac xoogan oo ku yimaadda midnimadda 5tii gobol ee Puntland iyo Ictiraafka dowladnimadda oo burbura (Dowladnimo 2/3 gobol kusoo aruurta).

Maanta oo kale Puntland waxaa ka macaasha Xildhibaan bilaa damiir ah,, oo caqliga keliya ee uu hayo yahay motion laaluush lagu qaato iyo burburinta Dowladnimadda,, waa sidii ay ku sameeyeen Gud. Dhoobo. Xildhibaanadda damiirka leh iyo Gud. Barlamaanka fadlan arinkaasi yuusan marnaba noqon arin motion lageliyo, ha horseedina kala firxadka dadka iyo bilaabidda dhaqan ugub ku ah Puntland.

Waxay illa tahay in lahelo talaabooyinkan

1. In madaxdu ku dhaqanta dastuurka iyo Xeerarka Dowladda.

2. In Isimadda galaan dhexdexaadinta labadda masuul, kana gaaran xal waara.

3. In madaxweyne Deni wax ka badelo siyaasadisa Khilaafka badan,, wax garadka Puntland waa inney marnaba aqbalin motion laga keeno VP Karaash.

Doodda madaxweyne Deni ee uu ku haysto Dowladda Federaalka ah,,, waxaa ku haystaa federaalka wax adiguba aadan ku dhaqmin Puntland gudaheedda,,,, Mr Pres. Caqli maahan doodaasi. Waxa aynu sheegayno meynu ku dhaqano Puntland ahaan,,,, sida; ku dhaqanka dastuurka,, joojinta laluushka, ku takrifalka awoodda dowladnimo ,, Keli talisnimo ,, daahfurnaan la’aan,, talo wadaagga iyo Isla xisaabtan. Waxaad sameyn weyday maahan innaad noogu dirto madaxda federaalka.

WQ: Axmed Shire

Afeef:- PUNTLAND POST marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale, aragtida qoraalkan waxaa leh qofka ku saxiixan, waxaan kaliya oo dhiirigalinaa isdhaafsiga aragtida.