Dagaal xooggan oo ka qarxay koonfurta Gaalkacyo

Dagaal xooggan oo u dhexeeya malayshiya-beeleed gadoodsan iyo ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB ayaa haatan ka qarxay koonfurta magaalada Gaalkacyo sida ay sheegayaan goob-joogayaal halkaasi ku sugan.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii malayshiy-beeleed hubaysan oo wata gaadiidka dagaalka ay isku gedaameen xarunta Kumaandooska DANAB ee koonfurta Gaalkacyo kadib markii ay ka gadoodeen Ganacsade habeen ka hor ay Ciidankaasi xirteen.

Labada dhinac oo mudda kooban halkaas isku hor fadhiyay ayaa waxaa ka dhex bilowday dagaal xooggan oo la isu adeegsanayo Hubka culus islamarkaana ku sii fidaya xaafadaha ka agdhow xarunta DANAB.

Malayshiya-beeleedka ayaa ciidanka dowladda Federaalka ka dalbaday in ay si deg deg ah u sii daayaan Ganacsadaha balse Taliska Ciidanka ayaa diiday in ay ninkaas sii daayaan waxaana durbadiiba bilowday dagaalka.

Waxaanse weli xog sugan laga helin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ee kala gaaray labada dhinac xilli uu dagaalku sii xoogaysanayo sida ay ku soo warramayaan dadka degaanka.

Xaafadaha ka agdhow xarunta Kumaandooska DANAB iyo nawaaxigeeda ayaa barakac bilaabay iyadoo dadka Rayidka ah ay naftooda kala cararayaan Hubka culus oo meesha ka dhacaya.

PUNTLAND POST