Guddi wadajir ah oo lagu amray soo dhamaystirka Habraaca doorashooyinka heer Federaal

Ka dib kulan warbixin looga dhegaystay guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada Doorashooyinka heer Federaal, ayaa lagu sheegay in shaqadii loo idmaday inta ugu badan ay u qabsoontay guddigaasi,isla markaana inta dhimman dhowaana ay ka soo wareegi doonto dhankooda.

Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan, Ibraahim Isaaq Yaraw, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay  in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan, isla markaana dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka.

Guddigan Wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo dhiraandhiriyaan hab-raacyo afar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka dowladda Federaalka  sida; Koontada haweenka ee baarlamaanka, sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka, waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi (Somaliland).

Sida qorshaysan 27 bishan Maajo, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka dowladda Federaal Soomaaliya si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono.

PUNTLAND POST