Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacmeen qarax miino oo saaka ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta degmadaasi.
Qaraxa ayaa lala beegsaday sarkaal lagu magacaabo Gen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo ciidamo uu watay balse sarkaalkaas ayaa ka badbaaday qarax sida ay xaqiijiyeen Laamaha Amniga.
Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa la sheegay in ay madaafiic culus ku garaaceen xaafado ka tirsan degaanka Shaban-bood ee gobolka Shabeellada hoose kadib markii halkaasi qarax lagula eegtay.
Guddoomiyaha degaanka Shalan-bood Nuur Cismaan Raage oo la hadlay warbaahinta Muqdisho aya xaqiijiyay wararka sheegaya in AMISOM madaafiic ku garaacday xaafado shacab deggan yihiin oo ku yaalla degaankaas inkastoo uusan faahfaahin khasaraha ka dhashay.
Guddoomiye Raage ayaa sheegay in ay khasaaraha madaafiicdaas ka warbixin doonaan kadib markii ay xog sugan ka helaan xaafadaha la duqeeyay iyo cidda waxyeelladu ka soo gaartay.
Qaraxa Shalan-bood waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay Al-shabaab oo sheegay in ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM.
PUNTLAND POST