
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay hadal ka jeediyay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay Arrimaha ugu muhiimsan ee u qorshaysan in uu wax ka qabto.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in uu muhiimadda kowaad siin doono soo celinta Amniga iyo Xasiloonida Galmudug gaar ahaanna Cirib-tirka iyo La-dagaallanka Malayshiyaadka Al-shabaab ee weli ku sugan Degaanno ka tirsan Galmudug.
Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ballan-qaaday in uu gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug ka ilaalin doon isku dhacyada Qabiilada iyo dilalka la xiriira aanooyinka Reer Guuraaga si loo xaqiijiyo Nabadgelyada Shacabka.
Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in uu sii wadi doono Dib-u-heshiisiinta iyo Midnimada Shacabka Galmudug islamarkaana uu wada-hadal iyo tanaasul u muujin doono cid kasta oo wax ka tabanaysa Maamulkiisa waase haddii Tabashooyinkaasi sax yihiin.
Halkaan ka daawo Khudbaddiisa
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.