Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa walaac ka muujiyay hannaaanka xukuumadda Federaalku u maaraysay dacwadda kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya, oo markii saddexaad dib loo dhigay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh, ayaa sheegay in dacwadda kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya ay weli joogto halkii ay uga tagtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa, 4 sannadood ka hor, islamarkaana aysan jirin wax isbeddel ah oo laga sameeyay.
Mudane Xassan Sheekh, wuxuu sidoo kale sheegay in mudda saddex jeer ah dowladda Kenya ay dalbatay in kiiska dib loo dhigo, sidaasna lagu fuliyay codsigii Kenya, isagoo xusay in aysan jirin caddayn muujinaysa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday dib u-dhigiddaas.
Wuxuu ku baaqay, in haddii uu jiro dukuminti dowladda Soomaaliya ku diiday in dib loo dhigo kiiska, lala wadaagi lahaa golayaasha Xukuumadda iyo Baarlamanka Soomaaliya, loona soo bandhigi lahaa shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wuxuu xusay in dhammaan la beddelay dadkii Soomaaliya mas’uulka uga ahaa dacwadda kiiska badda, islamarkaana aan umadda Soomaaliyeed loo soo bandhigin ciddii lagu beddelay, taasina walaac kale muujinayso.
Halkaan ka daawo muuqalkiisa
PUNTLAND POST