Agaasime cusub oo loo magacaabay Hab-maamuuska Villa Somalia

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Agaasime cusub u magacaabay Waaxda Hab-maamuuska Madaxtooyadda.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Yuusuf Xasan Salaan loo magacaabay Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Qaranka.

Yuusuf Xasan Salaan oo ah nin dhalinyaro ah ayaa hore u ahaa Agaasime ku xigeenka Hab-maamuuska Madaxtooyada.

PUNTLAND POST