Taliye Odowaa oo kormeeray Xerada Tababarka Har-qaboobe ee Guriceel

Taliyaha Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya General Odawaa Yuusuf Raage oo shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta  kormeer ku tegay Dugsiga Har-qaboobe ee Guriceel oo ka mid ah Xeryaha tababarka Ciidamada.

Dugsiyaas ayaa waxaa in muddo ah uu tababar uga socday Ciidamo Cusub oo loo diyaarinayo howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka fulin doonaan degaanada ay shabaab kaga sugan yihiin Galmudug.

Taliyaha Qaybta 21-aad Gen. Qooje, Taliye ku-xigeenka qeybta iyo Taliyaha Dugsiga ayaa warbixin ka siiyay xaalada Ciidamada xeradan ku jira, Taliyaha Ciidamada Militariga  iyagoo tilmaamey in lagu guulestay kasoo gudbida marxalado adag oo Ciidamadan lagu diyaarinayay.

Taliyaha Ciidamada Militariga  Gen: Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamada Dugsigan kujira iyo Saraakiishooda kula dardarmaay in ay si toos ah u gutaan waajibaadkoosha shaqo, isla markaana ay ka faa’iideystan tababarka.

PUNTLAND POST