Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xuska 18-May dartiis cafis u fidiyay 365 maxbuus oo u xirnaa dembiyo fudud sida ay shaacisay madaxtooyada Somaliland.
Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in mudane Muuse Biixi uu cafis u fidiyay dhammaan maxaabiistaas aan denmbiyada culus ku xukunayn.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in cafiskani uusan saamayn ku lahayn xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiista la cafiyay.
Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa loo xil saaray in uu fuliyo sii daynta maxaabiista uu madaxweyne Biixi cafiyay isagoo raacaya liiska loo gudbiyay.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.