Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo xiganaya qoraal galabta ka soo baxay maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ ayaa sheegay in mar kale maxkamaddaasi dib u dhigtay dhegaysiga kiiska badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in mar kale maxkamadd ICJ ay dhegaysiga kiiskaasi u muddaysay 15-March 2021 islamarkaana go’aankaas ay ku sababaysay xaaladda ka dhalatay xanuunka COVID-19 ee haatan dalalka Caalamka ku faafaya.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale xusay in dhegaysiga dacwaddaasi uu noqon doono dood-hadaleed balse aysan jiri doono qoraallo iyo dukumintiyo cusub oo loo gudbin doono maxkamadda ICJ sidaasna ay maxkamaddu go’aamisay.
Sidoo kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay aqbashay go’aankaasi dib loogu dhigay dhegaysiga kiiska dacwadda badda labada dal maadaama ay maxkamaddu u madax-bannaantahay go’aankeeda.
Halkaan ka daawo muuqaalkiisa
PUNTLAND POST