Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay, in laga bilaabo maanta oo ku beegan 18-May 2020 ay khafiifisay bandowgii la xiriiray xanuunka COVID-19.
Qoraal ka soo baxay guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo la-tacaalidda xanuunka Coronavirus, ayaa lagu sheegay in la khafiifiyay go’aannadii la xiriiray bandowga COVID-19 sida isu-socodka gaadiidka iyo xarumaha ganacsiga ee degaannada Puntland.
“waxaa la khafiifiyey go’aamadii Bandowga ee 27kii March 2020 kasoo baxay Guddiga Covid19 Puntland,sida isu socodka dadka, xarumaha ganacsiga iyo Keenista Qaadka ee deegaanada Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, guddiga ayaa dib u fasaxay iibinta iyo ka ganacsiga Qaadka, balse waxay dadka ka ganacsada xasuusiyeen in ay ilaaliyaan talooyinka Caafimaadka ee ku saabsan COVID-19 sida af-xirashada, gacmo gashiga, isu jirsiga masaafo iyo ilaalinta nadaafada.
“Dadka Qaadka kala iibsanaya iyo kuwa Ciida isu diyaarinaya, waxaa uu guddigu xasuusinayaa in ay ilaaliyaan talooyinka Caafimaad ee ku saabsan Covid-19, sida af-xirashada, gacmo gashiga, isu jirsiga masaafo iyo ilaalinta nadaafada.”
Ganacsatada Qaadka, ayaa lagu wargeliyay in ay mas’uuliyad iska saaraan ilaalinta nadaafadda, islamarkaana aysan Jaadka ku hor-gadin xarumaha dowladda kuna dhaqmaan talooyinka caafimaadka.
“Gancsatada Qaadka waxaa lagu wargelinaya inay masuuliyad ka saarantahay illaalinta nadaafadda, in aan lagu horgadin qaadka xarumaha Dowladda iyo inay ku dhaqmaan talooyinka Caafimaad ee aan kor kusoo sheegay”
Go’aankaas Khafiifinta bandowga xanuunka COVID-19, ayaa dib u-eegis lagu samayn doonaa iidda Soon-fur kadib, sida ay sheegeen guddiga ka hortagga iyo la tacaalidda xanuunka COVID-19 ee Puntland.
PUNTLAND POST