Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Mudug marxuum Axmed Muuse Nuur oo maanta lagu dilay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
“Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba” ayaa lagu yiri qoraal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne Deni.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa dhinaca kale si kulal u cambaareeyay falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Xarunta guddoomiyaha Gobolka Mudug waxaana madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryay intii ku dhimatay weerarkaasi argagixiso in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay in uu u boogadhayo,
“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulal u cambaaraynayaa falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Xarunta Guddoomiyaha Gobolka Mudug, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa Askartii ku shahiiday weerarkaasi argagixiso in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo.”
PUNTLAND POST