Dad rayid ah oo ku dhintay qaraxii Gaalkacyo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax maanta galinkii hore ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lala eegtay Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur.

Gaarigii guddoomiyaha

Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta gobolka, xili uu Guddoomiyihu ka baxay xafiiskiisa, waxaana loo adeegsaday gaari Nooha ah (Noah) oo lagu dhuftay gaariga Guddoomiyaha.

Qaraxa waxaa ku dhintay dadku ku dhow 10 qof oo ku jiro guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur iyo 3 askari oo kamid ahaa ilaaladiisa.

Bajaaj ay saarnaayeen dad rayid ah

Dad rayid ah ayaa qaraxa ku dhintay waxaana kamid ah sida ay goobjoogayaal u sheegeen Puntland Post, 2 haween ah oo saarnaa Mooto Bajaaj maraysay wadada, halka wadihii Bajaajbta uu soo gaaray dhaawac culus.

Sidoo kale dad rayid ah oo marayey hareerara wadada weyn ee bartaha Gaalkacyo oo ahayd meeshii qaraxu ka dhacay ayaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray qaraxaas, inkastoo oo aan tirakoobkood rasmiga ah aan la ahayn.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyaddaa qaraxa, waxaana warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab lagu sheegay in weerar ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Galmudug ayaa cambaareeyey qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland iyo dadka rayidka ah.

PUNTLAND POST