Agaasime cusub oo loo magacaabay Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland kadib markii uu is casilay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada.

Wareegto Maanta oo Sabtiya kuna beegan 16-May-20 20 ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland loogu magacaabay Maxamed Cabdirashiid Cali.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Agaasimaha cusub loo xushay  Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo.

Magacaabista ayaa timid bil kadib markii uu iscasilay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf oo shaqada ka tegay April 2020.

PUNTALND POST