Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan Sanad-guuradii Aas’aaska SYL

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray Farriin ku saabsan Sannad-guurada 77-aad ee Aas’aaskii Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseeday xornimada dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida.

Madaxweynaha ayaa muujiyey caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa riyada Dhallinyarada SYL kuwaas oo ay ka mid ahayd qorshihii Gumeystaha ee ku dhisnaa hab qabiileysan in uu u kala qeybiyo Umaddan walaalaha ah, arrinkaas oo u adeegayey danaha cadawga, iyada oo jahli lagu hayo ummadda, aqoontana loo diido, dhaqaalahana lagala dagaalo, koox yar oo fikirka shisheeye u adeegtana laga dhex sameeyey dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo  ayaa bogaadiyay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada ay ku samata bixinayaan Bahda Caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo dadaalkooda ku bixinaya sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tusaaleeyey casharka taariikhiga ah ee ku jira midnimada iyo wada jirka ay lahaayeen Xisbiyada ama ururrada Dhallinyaro ee ka kala dhisnaa Gobolada Koonfurta iyo Gobolada Waqooyi ee dalka, kuwaas oo wadaniyad iyo walaaltinimo ku fashiliyey qorshihii Gumeystaha ee kala qeybinta Soomaaliya.

Hoos ka daawo Khudbadda Madaxweynaha

PUNTLAND POST