Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay hawlgal gaar ah ku dileen horjooge sare oo ka tirsanaa malayshiyaadka Al-shabaab.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Militariga Soomaaliya Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa laga soo xigtay in horjooge Cabdi Muxsin Sheikh Xuseen (Abu-bakar) lagu dilay hawlgalkaas oo ka dhacay tuulada Buula-Sheikh oo u dhexaysa degaanka Jannaale iyo degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.
Gen. Dirir ayaa sheegay in horjoogahaas uu ahaa xubin sare oo muhiim u ah malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose inkastoo uusan xusin xilka uu ka hayay gudaha Al-shabaab.
Taliyaha ayaa tilmaamay in sidoo kale hawlgalkaas lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Al-shabaab waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada noocaas oo kale ah.
PUNTLAND POST