Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Khamiis ah la wareegtay laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca (Helicopters), kuwaas oo ay ku deeqday dowladda Canada.
Labadaas diyaaradood, ayaa loogu tala galay in Ayax looga buufiyo degaananda uu kaga habsaday Soomaaliya, oo ay ku jiraan Puntland, Somaliland iyo Galmudug halkaas oo muddooyinkii u dambeeyay uu fara ba’an ku hayay Ayaxa.
Mashruucaas, waxa si wadajir ah u maalgelinaya Hay’adaha FAO iyo USAID, waxaana fulinaysa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Beeraha Saciid Xuseen Ciid iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar.
PUNTLAND POST