Ciidanka Amniga Puntland oo Boosaaso ku qabtay xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo diyaarinayay

Ciidanka Amniga Puntland ee loo yaqaanno PSF, ayaa shalay hawlgal qorshaysan ku qabtay saddex xubnood  oo ka tirsan Daacish, kuwaas qaraxyo ku diyaarinayay guryo ku yaalla gudaha magaalada Boosaaso.

Qoraal xalay ka soo baxay Taliska PSF, ayay ku sheegeen in hawlgal qorshaysan oo ay gelinkii dambe ee shalay ka fuliyeen Boosaaso, in ay ku soo qabteen saddex xubnood oo ka tirsan Daacish, oo qaraxyo ku diyaarinayay guryo ku yaalla gudaha magaalada.

Qoraalka PSF, ayaa lagu xusay in qaraxyadaas ay ka koobnaayeen kuwa dhulka la geliyo ee miinooyinka ah iyo qaraxyada suumanka ee dadka ismiidaamiya ay isticmaalaan, balse faahfaahin kale ma bixin.

Taliska PSF, ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan ee ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ee ku sugan gobolka Bari, si loo xaqiijiyo Amniga Boosaaso iyo guud ahaan gobolka.

PUNTLAND POST