Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo xalay hadal ka jeediyay magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in dadka Reer Jubaland ay cagta saareen toobiye ku jihaysan dib u heshiisiin, kaas oo u baahan in ay ku soo biirto cid kasta oo haatan mucaaradsan.
Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa tilmaamay in heshiiskii dhexmaray maamulkiisa iyo golaha isbeddel-doonka Jubaland, uu ahaa mid dadaal iyo wakhti badan la geliyay, balse ugu dambayntii mira-dhal noqday, sidaasna lagu dhammeeyay khilaafaadkii ka dhashay doorrashadii Agoosto 2019.
Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sidoo kale xusay in uu sii wadi doono dib u heshiisiinta Jubaland, islamarkaana uu diyaar u yahay in uu la fariisto cid kasta oo wax ka tabanaysa maamulkiisa, si cabashooyinka jira wada-hadal loogu dhammeeyo.
Sidoo kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay, in ay maamulka Jubaland kala shaqayso dib u-heshiisiinta socota sidoo kalena ay ka tanaasusho mowqifkeedii hore, maadaama uu dhammaaday marmarsiin yihii ahaa, in dhinacyo kala duwan isku hayaan Jubaland.
PUNTLAND POST