Soomaaliya: Tiradii ugu badneyd oo 24 saac laga helo Covid-19 oo maanta la diiwaan geliyay

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 81 xaaladood oo Covid-19 ah, taas oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalka laga helo, 5 ruux ayaa ka boqsootay, mana jiro bukaan u geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 44, Jubaland 24 ,Puntiland 6 Somaliland 5 iyo Hirshabeelle 2, bukaannda cusub 50 ayaa rag ah 31-na waa haween.

Tirada xaaladaha Covid-19 ee Soomaaliya laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,170, geeridu waxay mareysaa 52 , waxaana guud ahaan ka bogsooday 126 ruux.

Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in cudurkaan uu dalka aad ugu fidayo, ayna dhallinyaradu yihiin tirada ugu badan ee dadka uu soo ridanayo, waxayna ugu baaqday dhallinyarada inay taxadar dheeraad ah sameeyaan oo ay cudurka ka ilaaliyaan qoysaskoodooda, naftooda iyo guud ahaan bulshada.

Waxaa si xowli ah u sii kordhaya kiisaska Covid-19 ee laga helayo gudaha Soomaaliya, iyadoo uu ku fiday dhammaan gobolada dalka.

PUNTLAND POST