Madaxweyne Waare oo kulan hab muuqaal ah la qaatay Xubo ka tirsan Beesha Caalamka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabelele Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan dhinaca khadka Internet-ka ah la qaatay Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya.

Qoraalka ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in ay fududeyeen Kulankaan dhex-marey Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xubnaha Beesha Caalamka.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu ku faraxsanyahay fududaynta kulan dhex maray Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware iyo saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya, kulankaas oo looga hadlay arrimo badan oo Muhiim u ah dalka” ayaa lagu yiri qaraalka Qaramada Midoobay.

Kulanka hab muqaalka ay yeesheen labada dhinac waxaa looga hadlay arrimaha Xanuunka Covid-19, qorsheynta nidaam doorasho oo ah ‘hal qof iyo hal cod,’  amniga iyo arrimo kale uu quseeya maamulka Hirshaneelle.

PUNTLAND POST