Golaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa xalay kulan deg deg ah ka yeeshay Qalalaase Siyaasadeed oo sida ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.
Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden, oo Kulankaas ka warbixiyay, ayaa sheegay in hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Qalalaase siyaasadeed oo lagu burburinayo Maamulka Jubaland ay ka waddo Gobolka Gedo.
Maxamuud Sayid, ayaa sheegay in shalay oo u dambaysay hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA, ay af-duubtay Guddoomiyihii Degmada Garbahaarrey ee Gobolka Gedo Iimaan Caddow Kaarshe, kadib markii uu ka dhega’ adaygay in uu ka qayb-qaato burburinta Jubaland.
Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, wuxuu caddeeyay in Kulanka Golaha Amniga Jubaland ee xalay ka qabsoomay Magaalada kismaayo lagu go’aanshay in Mowqif adag Jubaland ka qaadato Qalalaasaha Siyaasadeed ee Villa Somalia ka waddo Gobolka Gedo.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Dowlad Goboleedka Jubaland aysan mar dambe u sii dulqaadan doonin Siyaasadda Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan Gobolka Gedo, taas oo sida uu sheegay lagu wiiqayo awoodda Jubaland ee Gobolkaasi.
Marka laga yimaado Arrimaha Siyaasadeed, sidoo kale waxa Gobolka Gedo ka taagan xaalad banii’aadanimo oo cakiran kadib markii webiyada Jubba iyo Daawa ay fatahaad ka sameeyeen Degmooyin ka tirsan Gedo.
Hoos ka daawo Hadalkiisa
PUNTLAND POST