Beledweyne: Wabiga Shabeelle oo ku fatahay xaafado hor leh

Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii u dambeeyey ku fatahay xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Fatahaada ayaa ka timid, kadib markii roobab ay ka da’een degaano ku teedsan Wadiga Shabeelle, isla markaana wabiga uu keenay biyo xad dhaaf ah, taasoo sababtay uu in bilowday barakac hor leh oo qabsaday reer Beledweyne.

Xaafadaha u sida weyn ugu fatahay Wabiga, waxaa kamid ah xarunta Lamagalaay, Kooshin, Kutiinbo iyo Raadeerka, waxaana dadkii deganaa ay badankood uga baxeen degaanka Ceel Jaale oo horay ugu dhibaateysnaayeen dad ka barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Magaalada Beledweyne waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dadaalo xooggan oo lagu moosayo jiinka Wabiga, waxaana la dhigayay carro tuur badan, balse xowliga biyaha oo aad u xoogan ayaa jabsaday, taasina waxay keentay in xaafado hor leh ay biyo galaan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in ay jiraan dad dano gaar ah oo dadka barakicinaya, waxaana uu uga digay ha’adaha samafalka in ay gurmad gaarsiiyaan dadka ka baxay fatahaada, isagoo dhanka kale ka cosday in ay ka qeyb qaataan sidii xal loogu heli lahaa fatahaada Wabiga Shabeelle.

fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa sanadihii u dambeeyey soo noqnoqonaysay, iyadoo aysan jirin cid wax ka qabatay.

PUNTLAND POST