Warbixin kooban oo ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faahfaahin looga bixiyay kulan maqal iyo muuqaal ah, oo khadka internet-ka ku dhexmaray Ra’iisul wasaare Khayre, madaxweyne Deni iyo Beesha Caalamka, kaas looga wada-hadlay dardar gelinta Gurmadka Qardho.
Warbixintaas ayaa lagu sheegay in kulanka, oo ay Puntland codsatay uu fududeeyay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ,islamarkaana uu ka qayb-galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre.
Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul wasaare Khayre, ayaa si wadajir ah xubnaha Beesha Caalamka ee kulankaas ka qayb-galay uga codsaday, in la dardar geliyo gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeelloobay fataahaaddii Qardho.
Sidoo kale, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay xaaladda ka taagan Qardho, iyo nuuca kaalmada degdeg ah ee hadda loo baahan yahay.
Waxa kale oo kulanka la isla soo qaaday, marxaladda cusub ee ah in la gargaaro dadkii dhaawaca weyn uu soo gaaray guryahooda ama ganacsigooda, sidii loo leexin lahaa Biyaha iyo meelaha ay soo maraan iyo in xal waara laga gaaro arrintaas.
PUNTLAND POST