Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyay, in ay hawlgal qorshaysan ku dileen saddex sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo midkood ajnabi yahay.
Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA, ayaa saraakiil ka tirsan Kumaandooska ka soo xigatay, in hawlgalkaasi ka dhacay degaanka Carabow oo qiyaastii 50km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe, kadib markii ciidamadu ay weerar ku qaadeen horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo halkaas shir uga socday.
SONNA, oo xiganaysa Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, ayaa ku warrantay in ciidanku ay cagta mariyeen goobtii shirku uga socday horjoogayaasha Al-shabaab, islamarkaana ay ka dileen saddex sarkaal oo midkood ajnabi yahay.
Gaashaanle Maalin, ayaa magaca horjoogaha ajnabiga ah ku soo koobay Abu-ayman, oo ka soo jeeda waddanka Maali, balse ma xusin magacyada labada sarkaal ee Soomaalida ah, isagoo sheegay in ay dib ka shaacin doonaan.
PUNTLAND POST