Dowladda Turkiga ayaa Axaddii sheegtay in ay beegsan doonto ciidamada Jeneral Khalifa Haftar, haddii ay sii socdaan weerarada ka dhanka ah danaheeda iyo howlgalkeeda diblomaasiyadeed ee Libya.
Turkiga waxay taageertaa dowladda caalamka u aqoonsan yahay Libya, waxayna la gashay heshiis wada-shaqeyn militari ah, xilli xukuumadda Tripoli ay isku dayeyso in ay iska caabiso weerarada kaga imanaya maleeshiyada Haftar.
“Haddii howlgalladeena iyo danaheena Libya la bartilmaameedsado, waxaan u arki doonaa ciidamada Haftar bartilmaameed sharci ah” waxaa sidaas lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda, oo sidoo kale lagu cambaareeyey QM in aysan tallaabo ka qaadin weerarada Haftar.
Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga waxa kale oo ay sheegtay in weerarada garoonka diyaaradha Mitiga ee magaalada Tripoli lagu qaaday Sabtidii ay yihiin dambiyo dagaal.
Khamiistii, Turkiga iyo Italy ayaa sheegay in aagga safaaradahooda Tripoli lagu soo duqeeyey hoobiyeyaal. Afhayeen u hadlay ciidamada Haftar ayaa beeniyey inay mas’uul ka ahaayeen duqeymaha.
PUNTLAND POST