Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta oo Isniin ah shir-guddoomiyay, kulan looga hadlayay isku dubaridka u gurmashada Qardho, oo ay ka qeyb galeen safiirrada dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya, hay’adaha gargaarka, Qaramada Midoobay iyo madaxweynaha Puntlan.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay xaaladda ka taagan Qardho, iyo nuuca kaalmada degdeg ah ee hadda loo baahan yahay.
Mudane Xasan Cali Khayre oo isna ka hadlay muhiimmadda ay leedahay in xaaladahaan oo kale wadajir loo wajaho, ayaa ugu baaqay hey’adaha caalamiga ah iyo saaxiibada Soomaaliya, in ay u gurmadaan dadka reer Qardho, si dib loogu soo celiyo noloshii caadiga ahayd.
Ra’iisul Wasaaraha oo beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada aha, ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Puntiland ku amaanay sida midnimada iyo dhaqsaha leh ee ay ugu gurmadeen dadka ku nool qardho xilligii ay daadadku kusoo rogmadeen.
PUNTLAND POST