Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland oo lagu aasay Kismaayo

Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland marxuum Macalin Maxamed Ibraahim oo maalmo ka hor ku geerIyooday dalka Hindaya ayaa Aas loogu sameeyey magaalada Kismaayo.

Diyaarad ka soo kacday magaalada Muqdisho ayaa maanta Kismaayo keentay meydka Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim, waxaana markii meydka la keenay garoonka ku sugnaa madaxda ugu sarreysa Jubbaland iyo dad shacab ah.

Meydka marxuum Macalin Maxamed Ibraahim waxaa diyaarada ka soo dajiyay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa diyaarada waday meydka Wasiirka la socday qaar kamid ah eheladiisa, xildhibaano ka tirsan dowlada Federaalka ah iyo xubno kale oo magaalada Kismaayo u yimid sidii ay uga qaybgali lahaayeen aaska.

Meydka ayaa la geeyay qubuuraha magaalada Kismaayo, halkaas oo salaada janaasada lagu tukaday, iyadoo ay kasoo qaybgaleen boqolaal dadweyne oo kala duwan.

PUNTLAND POST