Wasiir ka tirsan Puntland oo xaqiijiyey in uu ku dhacay Covid-19

Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xarsi ayaa shaaciyey in uu ka dhacay xanuunka safmareenka ah Covid-19.

Wasiir Cabdullaahi ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook qoraal uu soo dhigay ku sheegay inuu ku dhacay Covid-19, haddana ay xaaladiisu wanaagsan tahay oo ku jiro katantiil.

Waxaa igu dhacay Covid19. waana ladanahay hadda. Qandho iyo wareer baa iigu darnaa maalmihii lasoo dhaafay. Waxaan isku xanibay guriga, cidna isma aragno, meelna umma baxo. Si aanan dad kale u qaadsiin, waxaan xanibnaan doonaa muddo 14 beri ah insha Allaah” ayuu qoraalka ku yiri Wasiirka Ganacsiga Puntland.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga,Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland ayaa dadweynaha u soo jeediyey in qofkii uu ku dhaco Covid-19, uu is karantiilo, si uusan u faafin xanuunka.

Waxaan soo jeedin lahaa in qofkii xanuunsada uusan gurigiisa dhaafin. Hadii qofkaas Covid-19 ku dhacay caafimaad dareemayo, waxaa jira dad waayeel ah iyo dad xanuuno kale qabay oo aan u adkaysan karin Covid19” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Cabdi Xirsi.

Tirada guud ee xaaladaha Covid-19 Puntland ayaa ah 76 kiis, halka saddex qof ay u geeriyoodeen xanuunka, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah u sii kordhayay kiisaska Covid-19 ee laga helayo gudaha Puntland.

PUNTLAND POST