Soomaaliya: Kiisaska Karoona oo kor u dhaafay Kun

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 57 xaalado cusub oo COVID-19 ah, 3 bukaan ay geeriyoodeen, 8 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliua Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 23, Somaliland 17 iyo Puntiland 17, bukaannda cusub 41 kamid ah waa rag,16-ka kalana waa haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee Soomaaliya laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,054 xaaladood, 51 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 118 ruux, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiurka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah u sii kordhayay kiisaska Covid-19 ee laga helayo gudaha dalka.

PUNTLAND POST