Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Wasaaradda Maaliyadda ku amray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada ku wajahan fatahaadda Beledweyne ee wadajirka ay u wadaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, si looga baajiyo fatahaad kale oo ku soo rogmata magaalada.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in mudane Khayre uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha, islamarkaana Maaliyadda ku amray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada ku wajahan fatahaadda Beledweyne.
Dadaallada iminka socda ayaa isugu jira; Carro-tuur lagu sameynayo meelaha uu jiinka webiga ka jilicsan yahay, iyada oo la isticmaalayo agab u adkeysan kara biyaha muddo fog iyo furista kanaallo yar yar oo qeyb ka qaadan kara hoos u dhigidda biyaha webiga, tallaabadaas ayaa ka dhalatay qiimeyn lagu sameeyay goobaha uu webigu ka fataho iyo cabbirka biyaha ay xilli roobaadkan gaari karaan.
Guddiga ayaa sheegay, in diyaarado lagu daabulayo agab dheeraad ah oo loogu tala galay in biyaha looga celiyo magaalada Beledweyne, si ay u guuleystaan dadaallada iyo iskaashiga shacabka iyo dowladda, looguna gogol xaaro hannaan ay bulshadu cabsi la’aan ugu noolaan karto magaalada.
PUNTLAND POST