Guddoomiyha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Ibraahim Maxamed Nuur (Towfiiq) ayaa sheegay in 92 Tuulo oo ku teedsanaa jiinka Webiga ay baabi’isay fatahaad halkaasi ka dhacday maalmihii la soo dhaafay.
Guddoomiye Towfiiq oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in ay Biyuhu la tageen 29 Matoor iyo dhammaan dalagyadii ku yiillay dhinacyada Webiga Jubba.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay ka cabsi qabaan cudur in ay ka dillaacaan degaanka maadaama fatahaadda ay ka dhasheen qashin iyo wasakh baahsan oo biyuhu reebeen.
Mudane Towfiiq ayaa Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in Dadka ku dhaqan Degmada Luuq ay la soo gaaraan gurmad banii’aadanimo.
PUNTLAND POST