Deni iyo Qoor Qoor oo khadka Taleefonka kaga wada-hadlay xiisad ka aloosan Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, uu ka socdo dadaal mugleh oo lagu xaqiijinayo Amniga iyo xasiloonida Gaalkacyo, kaas oo ay si wadajir ah hawlgal uga wadaan ciidamada kala duwan ee Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa baaq u diray dhammaan bulshada wada deggan gobolka Mudug labadiisa dhinac ee Puntland iyo Galmudug, waxaana uu ku boorriyay in laga wada-shaqeeyo Xasiloonida iyo Nabadda Gaalkacyo, islamarkaana aan colaad dambe loo horseedin gobolka.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay dagaalkii dhowaan ka dhacay duleedka galbeed ee Gaalkacyo, halkaas oo malayshiyaad ka soo gudbay dhinaca Galmudug ay weerar ku soo qaadeen saldhiga ciidamada Puntland ee Teerage.

Wuxuu sheegay, in arrintaas ay khadka Taleefonka kaga wada-hadleen isaga iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, si loo qaboojiyo xiisadda labada dhinac oo uu sheegay in ay ka faa’idaysanayaan kooxaha Argagixisada ah.

Madaxweynaha Puntland, ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay dhinaceeda xakamayn doonto sidii aan colaad kale gobolka uga qarxin, isagoo xusay in ay Galmudugna ka sugayaan tallaabo taasi lamid ah, si looga wada-shaqeeyo Amniga labada dhinac ee gobolka Mudug.

Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhan

PUNTLAND POST