Webiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay tuulooyinka hoos yimaada degmada Mahadaay

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe, ayaa sheegaya in saacadihii u dambeeyay halkaas uu fatahaad ka sameeyay webiga Shabeelle, isla markaana dadka ay barakaceen.

Degaannada ugu daran ee uu Wabiga ka fatahay ayaa waxaa kamid ah tuulooyinka,Huriwaa, Diinlaawe, Duduble iyo Mansoor,waxaana dadkii deganaa ay u barakaceen tuulooyin ka fog Webiga oo aysan ka dhicin fatahaad.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax, ayaa sheegay in fatahaada Wabiga uu baabi’iyay dalagyo badan oo ku yaallay Beeraha, isla markaana weli ay jiraan deegaano kale ay fatahaada gaartay.

Waxaa uu sheegay, in dadka badankood ay u barakaceen deegaannada,Fiidow, Buurane iyo Caasimadda Shabeellaha Dhexe ee Jowhar,kuwaas oo ay heystaan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu kamid yahay Gobolada uu fatahaada ka sameeyo Wabiga gaar ahaan deegaannada hoostaga, Jowhar ,Balcad, Mahadaay iyo deegaano kale,waxaana dadka ay yihiin kuwo barakacay.

PUNTLAND POST