Shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID-19 oo xalay ka qabsoomay isgaarsiinta Internet-ka, ayaa waxaa Shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali khayre,iyada oo looga hadlay qodobo dhowr sh.
Shirka ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa ballaarinta wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada oo ah tirada ugu badan ee laga helayo feyraska Karoona.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa faray Xubnaha Guddiga in ay badiyaan wacyigelinta Bulshada ee la xiriirta ka hortagga Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.
Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 ee uu Guddoomiyaha ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay yeesheen kulan joogto ah,kaas oo laga soo saaro go’aamo looga hortagayo Coronavirus,kuwaas oo qaarkood aan weli dhaqan gelin.
PUNTLAND POST