Boosaaso (PP) — Dunidu maanta waxay ku jirtaa xaalad caafimaad oo degdeg ah Covid-19 awgiis. Dalal badan waxay ku baraarugsan yihiin cunto-yari dhici karta marka dalalku boob-iibsanayaan xoolaha. Dalalka Carabtu waxay si degdeg ah u iibsanayaan xoolaha Soomaaliya. Hal barmiil oo shidaal aan sifaysnayn ihi wuxuu joogaa in ka yar 25 doollar. Neefka ariga ihi wuxuu marayaa boqol doollar. Haddii xoolo dhoofiyeyaashu awoodaan waxay wada dhoofin lahaayeen xoolaha Soomaalida oo dhan waayo dalku ma laha hay’ado haya tirada xoolaha aannu dhaqanno si aan loo xaalufunin xoolaha haray.
Muddo ku dhow soddon sanadood waxaa hoos u dhacayay wax soo saarka beeraha beeralayda badankood oo barakacayaal noqday awgeed.
Reer guuraagu ma lahayn hab beekhaamin (barkaduhu waa wax cusub mana badna) ama uma took-hayaan abaaraha ba’an oo soo noqnoqda. Beeralayda Soomaaliyeed waxay ugu diyaargaroobi jireen waqtiyada adadag samaynta bakaaro — godad dalagyada soo go’ay oo dheeriga ah lagu keydiyo si loogu baxsado marka abaari ay dhacdo.
Dunidan casriga ah abaar oo keliya may keento cunto-yari. Xaaladda dhaqaalaha ( tusaale marka dalalka qaarkood canshuuro sarsare ku soo rogaan waxyaabaha loo soo dhoofiyo) ama dagaal weyn baa keeni kara cunto-yari ama macaluul. Mararka qaarkood siyaasiyiinta ayaa si u la kac ah u abuura cunto-yari ama macaluul iyagoo u danaynaya ganacsato ama hirgelinaya siyaasado aan laga baaraandegin, sida dhacday qarniyadii 19aad iyo 20aad.
In ka badan soddon sano Soomaaliya may lahayn bedqab cunto (food security). Colaado iyo burbur baa Soomaalida u sii nugleeyay abaaraha, daadadka iyo fatahaadyada. Wax soo saarka baddu aad buu hoos ugu sii dhacayay. Beeralay, kalluumaysato iyo xoolalay baa Soomaaliya quudiya. Seddexdan dabaqadood ee bulshadu waa kuwa ugu dulman waayo si xaq ah uma helaan dheefta wax soo saarkooda. Bulshooyinka qaarkood xoolalay iyo beeralay waxay ku tilmaaman yihiin hantiley — dad hodan ah. Xooluhu waxay Soomaaliya soo geliyaan lacag adag. Waa sababta ganacsatadu u maalgeliyaan dhoofinta xoolaha. Maalgelinta beeruhu waxay u baahan tahay aqoon iyo waayo-aragnimo aan la heli karin haddii beelihii beeralayda ahaa aysan helin kalsooni ay beeraha ku fashaan.
Soomaaliya waxay leedahay xoolo-dhaqato, kalluumaysato iyo beeralay oo aan helin maalgelin iyo dhiirrigelin ku habboon. Badeecooyin badan oo aannu dibadda ka keenno ayaannu kaga maarmi karnaa u soo jeesashada maalgelinta iyo kobcinta quudiyeyaasha qaranka — beeralay, xoolalay iyo kalluumaysato — si dadkeennu uga badbaadaan cunto-yari ama macaluul laga hortagi karo waqtiga dhow iyo waqtiga dheerba.
© Puntland Post, 2020