Dadkii ugu badan ee ku nool Beledweyne ayaa saakay ka barakacaya Magaalada ka dib markii wabiga shabeelle uu fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada haba ugu badnaato xaafada xaawo taako.
Dadka ayaa la sheegay inay aadayaan dhinca degaanka Ceeljaalle ee Duleedka Magaalada Beledweyne si la mid ah ay sanadkii horey ay ku barakaceen waxaan jirto cabdi xooggan ah oo ah in guud ahaan Biyaha ay gaaraan Magaalada .
Maamulka Gobolka Hiiraan kan Degmada Baladweyene iyo Ganactasada oo iskaashanayaa ayaa maalmahaan waday howlo lagu carra-tuurayo goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Wabiga waxaana wali socdo dadaalo lagu kameynayo.
PUNTLAND POST