Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo geeriyooday

Marxuum: Axmed Cumar Gaabow

Waxaa maanta magaalada Jowhar ku geeriyooday Wasiirkii Hubka Dhigista iyo Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka maamulka Hirshabeelle Axmed Cumar Gaabow.

Axmed Cumar Gaabow oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa sida la sheegay maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanaa magaalada Jowhar, lama sheegin xanuunka uu u geeriyooday in uu yahay Covid1-19 iyo in kale.

Marxuum Axmed Cumar Gaabow ayaa Baarlamaanka Hirshabeelle ku soo biirey dabayaaqadii 2016 xiligaasi oo la unkay maamulkaas, wuxuuna muddooyinkii u dambeeyey ahaa Wasiir.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsiyeeyey geerida Wasiirkii Hubka Dhigista iyo dhaqan Celinta Maleeshiyaadka maamulka Hirshabeelle Axmed Cumar Gaabow.

Madaxweyne Waare oo ku hadlay afka golayaasha dowladda, iyo dadweyna Hirshabeelle ayaa marxuumka ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

PUNTLAND POST