Puntland: Qofkii labaad oo Covid-19 u geeriyooday iyo wasiiro laga helay

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay korortay 24 saac ee la soo dhaafay dadka laga helayo xanuunka Covid-19.

Wasiirka ayaa tilmaamay in maanta la baaray 22 ruux , xanuunkana laga helay 8 qof oo rag ah oo ay ku jiraan 2 ka mid ah wasiiradda Puntland oo uu sheegay in hadda xaaladooda ay wanagsantahy.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa xusay in qofkii 2-aad uu Puntland maanta ugu geeriyooday Covid-19, kaas oo ku dhintay xarunta karantiilka Garowe.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha Covid-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 59, halka labo qof ay ugeeriyoodeen xanuunka.

Puntland Post, way haysaa magacyada labada Wasiir ee laga helay Covid-19 oo xaaladdoodu hadda ka soo raynayso.

PUNTLAND POST