DFS oo sheegtay in ay qalab caafimaad gaysay Hargeysa

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka internetka kaga qeyb galay shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta cudurka COVID-19.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku bogaadiyey Xukuumadda in la gaarsiiyey dhammaan dowlad goboleedyada dalka qalabka caafimaad ee aas-aasiga u ah daryeelka caafimaad iyo badbaadinta bukaannada uu soo rito cudurka COVID-19.

Guddiga xakameynta cudurka COVID-19 ee heer Federaal ayaa shirka ku soo bandhigay shax tilmaamaysa xiliyadii ay agabka caafimaad gaarsiiyeen magaalo madaxyada dowlad goboleedyada oo ay ka mid tahay Hargeysa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyey dalalkii ku deeqay qalabka caafimaad, maadaama dalalkaasi laftigoodu ay baahi weyn u qabeen agabka caafimaad ee ay ugu deeqeen Soomaaliya.

“Xaaladda dunida ka jirta ee uu sababay cudurka COVID-19 waa mid saameyn xooggan ku yeelatay dhinac kasta oo nolasha ah, sidaas darteed dalalka walaalaha ah ee inoo fidiyey gurmadka caafimaad -wakhtigan adag- waa mid aan u xasuusan doonno dowlado iyo hay’adaba.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhiirri geliyey Guddiga in la kaydiyo xogta iyo khibradda ku aaddan cudurkan si ay u noqoto hage dhaxal gal ah oo qeyb ka noqda hannaanka maareynta musiibooyinka iyo cudurrada faafa. Sidoo kale, waxa uu ku adkeeyey in la kordhiyo qalabka badqabka adeegeyaasha xarumaha caafimaadka oo ah halyeeyo u taagan samatabixinta dadkooda iyo xakameynta cudurkan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, laamaha caafimaadka dalka iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed, sida lagu xusay war-saxaafadeedka madaxtooyada Soomaaliya .

Dhankooda, Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa la sheegay in ay u soo bandhigeen Madaxweynaha xogta ku saabsan badqabka caafimaad ee dalka, xaaladda bukaannada ku jira goobaha karantiilka iyo heerka ay gaarsiisan yihiin dadaallada wacyigelinta bulshada ee ku aaddan halista cudurka COVID-19.

PUNTLAND POST