Booliska Soomaaliya oo la wareegay xabsi qarsoodi ah oo ku yaallay Muqdisho

Booliska Soomaaliya ayaa la wareegay saldhiga Cusboole oo ku yaalla degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, oo maalmihii u dambeeyey warar soo baxayey ay sheegeen in saldhigaas lagu xiro dad aysan ka warqabin dowladda, tacadiyana ka dhacaan.

Dowladda Soomaaliya oo baraha bulshada kala socotay wararka saldhigaas ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa booqday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ay wehelinayeen Taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Banaadir Gen. Saadiq Cumar Maxamed, Gudoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar iyo saraakiil kale.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay gudaha saldhigaas ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay xabsigaasi la wareegeen kana howlgeli doonaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray in la baari doono tacaddiyada la sheegay in ay halkaas ka dhaceen.

Dhanka kale Guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar oo maamulkiisu gacanta ku hayey saldhigaas ayaa sheegay in saldhiga Cusboole uu soo shaqeynayay muddo dheer, isagoo soo dhaweeyay in ciidamada Booliska la wareegaan.

Maalmihii u dameeyey waxaa degmada Deyniile ka soo yeeraysay cabasho ku aadan in degmaadaas uu ku yaallo xasbi qarsoodi ah oo tacaddiyo loogu geysto qaar kamid ah dadka shacabka ah.

PUNTLAND POST